Degmada Diinsoor oo Maanta Barakac Ka Bilowdey

0
47

Shacabkii ku noolaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo ay maamulaysay Xarakada Al-shabaab ayaa si aad ah uga Barakacay Degmadaas, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan qaybo ka mid ah Gobolka Bay.

Wararka laga helayo Degmada Diinsoor oo Qiyaastii 125-km u jirta degmada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in 99% shacabkii ku noolaa ay ka barakaceen, kuwaas oo gaaray degmooyin ka tirsan Gobolka Bay oo ay ka mid tahay Degmada Baydhabo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Xoogagga Al-shabaab ay Degmadaas weli ku sugan, kuwaasoo wada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ugu Diyaargaroobayaan in ay magaalada ku difaacdaan.

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ka Socda Dalka Itoobiya ayaa ku wajahan magaaladaas oo Sannadihii lasoo dhaafay ahayd Saldhigga ugu Weyn ee ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Bay, kaddib markii lagala wareegay inta badan degmooyinka Gobolka Bay.