Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowlada oo Sheegey in Maalmaha Soo Socda Ay qabsan Doonaan Degnada Baardheere

0
33

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Furunta hore dagaalka ee ku dhow degmada Baardheere ayaa warbaahiinta u sheegay warbaahinta in ciidamada Huwanta ay qorsheynayaan in maalmaha soo socda gacanta ku dhigaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Col Khaliif oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada isgarabsanaya ay u jiraan degmada Baardheere 50 ilaa iyo 40-km,islamarkaana ay doonayaan in maalmaha soo socda gacanta Dowlada soo gasho,sida uu hadalka u dhigay.

Warar kale ay heleyno ayaa iyagana sheegaya in ururka Al-shabaab dhankooda dhaq dhaqaaq milatery ay ka wadaan duleedka iyo gudaha degmada Baardheere,waxayna shacabka ugu baaqeen in dagaalka kala qeyb galaan si magaalada oo muhiim u ah Al-shabaab loo difaaco.

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Midowga Africa ayaa hada doonaya in gabi ahaanba deegaanada baadiyaha ee ku jira gacanta Al-shabaab inay dib ugu soo celiyaan gacanta Dowlada.