Xukuumada Kenya oo Sheegey in Alshabab Fariisimo ka Sameysatey Deegaanka keymaha ee Dalka Kenya

0
86

Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay saldhigyo rasmi ah ka sameysteen dhulka kaymaha badan ee deegaanka Boni ee dalka Kenya, halkaasoo Qoysas-kooda soo dagsadeen, sida uu baahiyay Wargeyska Star ee kasoo dalka Kenya.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in Xoogaga Al-shabaab, xaasaskooda iyo weliba caruurtooda ay ku nool ugaarsi; iyagoo sidoo kalea biyahana ka cabaan dhowr webi oo ku yaalla dhulkaas kaymaha badan.

Tabinta Warkan ayaa Ku soo Beegmaysa Maalmo Kaddib markii Xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar gaadmo ah la beegsadeen gaari ay wateen askar booliiska Kenya ka tirsan oo marayay duleedka Lamu-Kenya, iyagoo ku dilay shan qof oo ay ku jiraan sadex sarkaal oo Booliis ah.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in weerarkan uu mas’uul ka yahay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ay ku magacaabeen Khaalid Maxamed Cali, kaddib markii ay Kenya sheegtay inay weerar duqeyn ah ku dishay dhawaan sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Deegaankan ay Kaymuhu ku badan yihiin ayaa ku yaalla Cirifka Badweynta Hindiya oo ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadaagaan xuduudda, iyadoo dacalka ku haysa dhulka kaymaha badan ee loo yaqaanno Hululuqo.