Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo ammaankasi weyn loo adkeeyay.
Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Jomo Kenyatta xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya.
Maalmaha uu Obama joogo Nairobi ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulammo la qaato Ayeeyadiis dhashay Aabbihii Sarah Obama iyo xubno kale oo Qoyskaas ka tirsan, Isagoo lagu wado iney booqashadiisa qaadato mudo 3 maalmood ah
Safarkan ayaa ah safarkii ugu horeysey uu madaxweynaha ku tago dalka kenya tan iyo intii uu qabsadey xukunka.