Xildhibaanada Barlamaanka Dowlada Federalka somaliya oo Maanta Ka Doodey Qaabka Ugu Haboon ee Loo Wajihi Karo Hiigsiga 2016

0
42

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa kulan ay maanta yeesheen kaga doodey siyaasadda ugu Wanaagsan ee lagu jiheyn karo Hannaanka Geeddi-socodka Sannadka 2016-ka ee nagu soo Wajahan.

Furitaankii kalfadhiga ka dib ayaa xildhibaannada loogu akhriyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Hab-dhowrka Baarlamaanka Soomaliya, kaasoo lagu joojiyay in fasaxyo la siiyo Xildhibaannada Muddada ka harsan Xiritaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka FS.

Kadib kolkii loo aqriyey ayay Xildhibaannadu Gudo-galeen Dhageysiga Warbixin uu Guddiga u qaabilsan baarlamaanka kasoo Talo-bixinta Siyaasadda ugu haboon ee Jiheynta Geeddi 2016-ka, oo uu kasoo diyaariyay Shirkii Hiigsiga ee Muqdisho lagu qabtay 29-kii illaa 30-kii bishii hore ee July.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa Warbixinta kadib billaabay inay ka doodaan Siyaasadda ugu habboon ee loo jiheyn karo Geeddi-socodka Sannadka 2016-ka, Waxayna Mudanayaasha Qaarkood Muujiyeen inay lagama-maarmaan tahay in la helo Wada-tashi ballaaran oo la xiriira nooca doorashada dalka ka dhacaysa marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar oo ayaa Gabagabadii Xildhibaannada ku War-geliyay inay maalinta Sabtida ah ee soo socota u Diyaar-garoobaan Akhirntii Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.