Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa Axadii lasoo dhaafay ku dilay Muqdisho Muqdisho Gabar Askariyad ah oo ayaa saxiib ahaayeen, isagoo markii dambena is-dilay.
Wargeyska Daily Monitor oo kasoo baxa dalka Uganda ayaa qoray in Lt. Aaron Kitakure uu is-dilay markii uu toogtay Gabar uu Xiriir kala dhaxeeyay oo ka mid ahayd ciidamada AMISOM ee k a howlgala Muqdisho.
Gabadha la dilay iyo Sarkaalka is-dilay ayaa labaduba waxay ka tirsanayeen ciidamada AMISOM, sida uu qoray Wargeyska. Iyadoo sarkaalka uu muddo ka tirsanaa ciidamada Uganda eek a tirsan AMISOM.
Afhayeenka Ciidamada Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa Xaqiijiyay dhacaddan, isagoo xusay in labo ka mid ah Saraakiishooda ay geeriyoodeen, wuxuuse ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan bixiyo.