Daawo:-“Guuxa Bulshada: waraysi ku saabsan arinta OIL KA somaliya”.

0
63

cabdisalanSoma Oil and Gas waxaa hadda lagu furay sadex dacwo iyada oo lagu dacwaynayo in ay Somalia ku wado laalush, musuq-maasuq wax wayn u dhimi kara dadaalkii International Community gu kusoo celinayaa Somalia, waxayna kala yihiin:
1. UN Monitoring Group,
2. Serious Fraud Office (SFO), iyo
3. Global Witness oo ah Hay’adda Caalami ah una xil saaran Dabagalka iyo baaritannadda Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha islamarkaana u olaleysa is hortaaga Musuqa iyo Colaadaha ka dhasha Kheyraadka Dabiiciga,

Maanta Somalia waxay u gacan gashay Soma Oil and Gas, waxayna ku socotaa haddii aan laga gaarin sidii Zimbabwi iyo Malawi oo uu yeeshay Cecil John Rhodes iyo Boqorkii Belguin oo isna iska yeeshay dalka Congo.

A. Cecil John Rhodes oo ahaa arday dhiganayey Oxford University, wuxuu ku qabsaday dhulka Zimbabwi iyo Malaawi, wuxuuna u bixiyey magaciisa “Rhodesia” khayraadkoodiina keligii baa iska lahaa. Markuu bakhtiyeyna maalkii uu ka heliya dhulka ugu deeqay Oxford una bixiyey, “Rhodesia Scholarship”, maantana ah Scholarship ka uGu qaalisan aduunka. Dadkii wax ku soo bartay waxaa ka mid ahaa President Clinton.

B. Waxay kale oo ay u ekaan karta Markii Boqorkii Belgium uu qabsaday ,”Congo”, keligiis iska lahaa isaga oo aan weligiis tegin Belgium. Xilligii Berlin Conference (Nov 1884- Feb 1885) laga reebay Africadii la qabinayey loona daayey Boqorka uuna u bixiyey, “Congo Free State”, isaga oo markaa General manager uga dhigay Safiirkii USA u joogay kulanka Berlin Conference sababta oo ah Safirkaas USA baa ku dadaalay in aan Boqorka laga qaadin Congo.

Maanta Somalia khayraadkeeda President Hassan Sheekh wuxuu u saxeeyey Soma Oil and Gas oo ay iska leeyihiin afar nin, sida Madaxada UK ee qabatay Somali Conference London one and London two, nin Russian ah oo Billionair ah, una maal geliyey iskana leh Winter Sky Investment LTD, wiilkiisana Georgy Djaparidze ku soo darsaday Board ka Soma Oil and Gas, Basil Shiblaq oo Hindi ah founder kii, iyo Saaxiibo aqalka cad ee USA.

Madaxwayne Hassan Sheekh si loo indho sarcaadiyo, waxaa lagu qanciyey:

1. Waxaa loo ballan qaaday in gursiga lagu ilaaliyo muddo dheer,
2. Waxaa looga yeeray aqalka cad January 17, 2013 uuna saxeexay heshiis,
3. Waxaa loo aqoonsaday dawladiisu in ay tahay rasmi, si heshiiska ay saxeexdaa noqdo mid rasmi ah,
4. Waxaa lagu marti qaaday dhalashii Boqorada UK,
5. Waxaa lagu marti qaaday Shirkii G20 ee lagu qabtay Irland June, 2013., markii danbese laga diiyey intii uusan fadhiisan,
6. Yew York Times baa loo shegay in ay ku soo darto 100 qof ee 2012 ugu caansanaa, hadda sadex bil keliya buu madaxwayne ahaa,

Dagaalka lagu hayo Alshabaab waxaa ka wayn ka lugu hayo saxaafadda, weriyaasha si ayn inaba u baahin waxa Somalia ka dhacaya. Degmooyinka Muqdisho iyo dalka oo dhan waxaa lagu siidayey Ciidan Nabadsugid ah oo ka mushahar qaata Somaliya iyo ciidan sir ah, dalal shisheeya ah oo ay ka amar qaataan.

Dhawaan oo aan Somalia tegay Waqooye iyo Konfur ba, intii aan joogay waxaan isku dayey in aan waraysiyo siiyo TV yada laakiin weriyayaasha ayaa ii sheegay in ayn faafin Karin arrinta Soma Oil and Gas, ayna ka baqayaan in latoogto, ka dibna lana dhaho Shabaab baa toogtay inta lacag la siiyo.

Markaan ka soo laabtayna Somalia waxaan go’aansaday in aan sameeyo Hay’ad NGO,waxa Somalia ka dhacayana daba gasha oo aduunka u soo bandhigta, waxaana sameeyey, “Horn of Africa Watch Group”.

Haddaba Baarlamaanka Somalia waxaa looga fadhiyaa:

1. In uu motion ka soo saaro Soma Oil and Gas, heshiiskaana la buriyo,iyo
2. In Madaxwayne Hassan Sheekh lagu qaado Impeachment, xil ka qaadis.

Abdisalam Haji Ismail
Columbus, OH.