Dhegeyso: Sheeko Cusub Maamulka Axmed Madoobe oo Gobolka Gedo u Wada Magacaabey Masuuliyiin Kasoo Jeeda Beesha Mareexaan

0
166

GedoGudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland,Axmed Buulle Maxamed ( Mareexaan ) oo iminka ku sugan degmada Doolow ayaa sheegay in la dhamaystiray Mas,uuiyintii Gobolka iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka,isagoo sheegayna wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Jubaland,Jeneraal Cabdulaahi sh.Ismaaciil (Farataag) in lagu magacaabay Gudoomiye ku xigeenada Gobolka iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka Luuq,Baardheere iyo Garbahaarey.

Axmed Buulle oo kasoo jeeda beesha mareexaan oo isna Wareysi siiyey Warbaahinta Wadajir Radio ayaa sheegay Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Gedo in loo kala magacaabay,C/Raxmaan C/laahi Aden(Bakaal Kooke) ( Mareexaan) iyo Sheekh Maxamed Allqaadi oo ahaa Afhayeenkii hore ee Ahlusunada Koonfureed ( Mareexaan).

Sidoo kale Gudoomyaha Gobolka ayaa sheegay in Gudoomiyaha degamada luuq loo magacaabay Bishaar Aden Cabdikariim(Bishaar Afjabey, ( Mareexaan) Gudoomiyaha degmada Baardheere,Cadow Nuur Xasan iyo Nuur Sh.Maxamed Buraale(Nuur Caato) ( Mareexaan) oo isna loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Garbahaarey.

Waxaana uu sheegay Maamuladan oo ah kuwa KMG ah muddo 6 bilood ah in ay gogol xaar u yihiin sidii loo soo xuli lahaa Gole degmooyinka ay yeelan doonaan oo ka kooban 21 xubnood degmadiiba.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubaland waxaa la dhamaystirey Maamulkii Gobolka iyo midka Degmooyinka

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubaland waxaa la dhamaystirey Maamulkii Gobolka iyo midka Degmooyinka mobil