Dowlada Sweden oo Malaayiiin Dollar oo Lagu Dhisi Doono Xarumaha Ugu Deeqdey Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Caafimaadka

0
57

farkeetoDowladda Federaalka Somalia ayaa Heshiis is-faham la gashay Dowladda Sweden. Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa wadagalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Dhinaca kale Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNPOS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha.

Dowladda Sweden oo ka mid ah Wadamada caawiya Smalia ayaa Mashruuca dhismaha labada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar. iyadoo Heshiiskan uu dhigayo dib-u-dhiska Xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa laga hirgelin doonaa degmada Shangani (xaruntii hore ee Aspima), halka kan Wasaaradda Maaliyadda uu ka soo horjeedo Hotel Curuba.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa sheegay in maaligelinta dhismooyinka ay wax-wayn ka tari doonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xaruumaha dowliga ah.