Hogaamiyihii hore ee Maamulka Raskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe)oo markii horaba doornaa ayaa codkii markale loogu shubey doorashadii maanta ka dhacdey magalada kismaanyo.
Doorashadan oo aheyd mid horey loo sugayey natiijada ay ku dhamaan doonto maadaama baarlamaanka maamulkaasi uu intiisa badan ahaa kuwo uu keensadey Axmed Madoobe dowlada itoobiyana gacan ku siisey.
Doorashadii cadadkii la kala heley ayaa sidan kala ahaa .
1. Sheekh Axmed Madoobe oo helay 68-cod
2. Hiloowle Aadan Maxamuud oo helay 2-cod
3. Cismaan Xuseen Fayruus oo helay 2-cod
4. Maxamed Cismaan Yuusuf oo aan wax cod ah helin.
Madasha doorashada ay ka dhaceysey ayaa waxaa ku sugnaa Xubno ka socday Beesha Caalamka iyo IGAD iyo qaar ka tirsan xildhibaanada dowlada federalka oo gacan saar la ;ahaa maamulka Axmed Madoobe.
Waa n in ragtag dhaley ah oo geesi ah allow digil iyo mirafle ka dhigo sida ninkaan oo kale
Axmed Madoowe iyo Guuleed waxaa lagu doortey qaab Cad oo sanduuq loo wada jeedo cod-bixinta lagu ridey iyagoo ay goob joog yihiin Beesha Caalamka oo dhan iyo Somalidaba.
Hadaba waxaa is-weydiin mudan su’aasha ah ” XARIIF SAKIIN YAA DOORTEY ? SIDEE LOO DOORTEY? QAABKAAS MA HAA MID DIMOQRAADI AH”
Waxaan idinkula talin lahaa ” Is-Xisaabiya inta aan la idin Xisaabinin?
Mise Doorashada Baydhaba waa Ku Meel Gaar oo la rabo in dib loo sameeyo mar haddii aysan K/G aysan weli lahaynin Xildhibaano?
Halyey Nuur Marka hore suaasha aad meesha ku qortey waa suaal u baahan in jawaabteeda aad hesho jawaabtaas oo ah SHARIIF SAKIIN asagaba wuxuu ahaa doorane is doortey oo cid dooratey maleh sida Axmed Madooboo kale Guuleed waxoogaa si ayaba wax loogu dhoodhoobey laakiin labadan nin Axmed Madoobe iyo Shariif sakiin waxba isma dhaamaan waa dooranayaan ay doorteen igad iyo xulafadeeda kadibna ayaga is doortey
Comments are closed.