Aqriso Go,aanadii Kasoo Baxay Kulankii ay Soo Qaban Qaabiyeen Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed

0
43

SSDCKulan ay isugu yimaadeen  dhamaan bulshawaynta kasoo jeeda Koonfur Galbeed shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Golaha Qurbo joogtada koonfur Galbeed ( Southwest Diaspora Congress ) ayaa waxaa uu maalintii Axada taariiqduna aheyd 16-8-15 ka dhacay qadka telfoonka ).

Kulankani ayaa dadkii kasoo qeyb galey waxaa ay qadka telfoonka kasoo tiigsadeen 5ta qaaradood ee aduunka, waxaana kasoo qeyb galey dhamaan ururada bulshada ee qurba joogta koonfur galbeed sida Odoyaasha, saraakiil sare, aqoonyahano, haweenka iyo dhalinyarada.

Waxaa kaloo kulanka marti inoogu ahaa Malaaqa beesha Disoow isla markaana ah afhayeenka guud ee golaha dhaqanka Koonfur Galbeed Malaaq Deerow Yacquub isagoo ku sugan magalada baydhaba., Malaaqa ayaa warbixin dheer ka dib waxaa su,aalo weydiiyey qaar ka mid ah bulshadii qadka ku jirtey oo ay iskasoo xuleen.

Gabagadii kulanka ayaa waxaa kasoo baxay dhow qodob oo ay isku raaceen dhamaan intii halkaasi ku sugneyd qodobadiina waxaa ka mid ahaa.

1- Dhamaan odey dhaqameedyada iyo masuuliyiinta hormuudka ka ah maamulkla koonfur galbeed in baarlamaanka la doonayo in ladhiso lagu soo darin dad aan deegaanka u dhalan isla markaana aan lagu xad gudbin dastuurka uu leeyahay maamulka koonfur galbeed.

2- Waxaa leeysku af gartay in ururka loo furo account lagu aruurinaayo lagac, tasoo lagu fulin doono arimaha xaasaasiga ah ee hor yaala ururka, tasoo ayku jirto in la hirgaliyo Radio iyo Talafishin ay leeyihiin umadda Koonfur Galbeed.

3- In ururka si dhaqso ah u bilaabo mideynta qurbo joogtada reer koonfur Galbeed ee ku kula nool shanta qaaradood sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dib u dhiska iyo siyaasada Koonfur galbeed.

4- In la dardar geliyo dhameystirka Petitionka loo diraayo dowladaha aduunka ee daneeyaya arimaha Soomaaliya sida EU, USA, IGAD, ARAB LEAGE UNITED NATIONS.

5- Waxaa kaloo ay cambaareyn u dirayaan masuuliyiinta koonfur galbeed aamusnaanta ay ka aamuseen dhibaatooyinka arxan darada ee beryahan ka socdey gobolada shabeelaha hoose iyo bakool kaasoo ay geysanayaan kooxo duulaan ku ah jiritaanka shacabka koonfur galbeed.

 

HAL KU DHIGA SOUTHWEST DIASPORA CONGRESS  WAA

MIDNIMO, AWOODSIIN YO ISBEDEL