Wasiirka Gaashaandhia oo Markii Ugu Horeysey Qirey In Ciidamo Itoobiyaan oo aan Ka Tirsaney Amison Ay Dalka Ku Sugan Yihiin

1
41

Wasiirka-Gaashaandhiga-Cabdiqaadir-DiiniWasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa xaqiijiyay inay Somalia ku sugan yihiin ciidammo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn Ciidanka AMSIOM, isagoo intaas ku daray inay dhici karto inay Caawinayaan Ciidamadooda kale ee ka tirsan Hawl-galka AMISOM.

Jen. Diini ayaa sheegay inay suura-gal tahay in ciidanka AMISOM ka socda ay caawimaad ka helaan cidammo kale, si haddii culeys soo fuulo uga helaan Gurmad, Wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay arrin aanu dhib ku jirin.

Ciidamada Itoobiya ayaa horraantii 2014-kii ku biiray howlgalka AMISOM, iyadoo horay u jireen warar sheegayay in ciidamo ka badna ciidamada AMISOM ka tirsan ay ku sugan yihiin dalka.

Shalay ayay ahayd markii Taliyaha Qaybta 4-aad ee Hawlgalka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil oo wareysi siiyay VOA-da uu markii u horreysay qiray.

Si kastaba arintu ha ahaatee ciidanka itoobiyaanka ee sida xad dhaafka ah u jooga dalka ayaan inta badan shacabka waxaa ay ku fasiraan in ay doonayaan in dalka ay si tartiib ah ula wareen inta ay is heysheystaan kuwa dhaqaalaha yar oo ay helaan moodey ku bedeshey qaranimada dalka somaliya.

1 COMMENT

  1. kkkkk Diiniyoow Malagu afduubay hadalkaan waa mid ceejis kamuuqdee, mise wadanka ithiopiaa laga gaday sida badaba loogaday , aloow amuuraha sahal

Comments are closed.