Madaxweynaha Dowlada Federalka iyo Reysulwasaaraha oo Maanta la Kulmey Wafdi Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya

0
36

kenyaMadaxweynaha dowlada federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmey wafdi ka socdey Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka dalka Kenya oo booqasho ku jooga dalka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay Wafdiga Baarlamaanka Kenya, Booqashada ay dalka ku yimaadeen oo uu sheegay inay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wafdiga u sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhaweyneyso Maal-gashiga Ganacsatada Kenya, Dowladda Soomaaliyana ay fududeyn doonto sidii arintaasi loo suuragelin lahaa.

Waxaa uu sidoo kale wafdiga ka codsaday inay salaan diiran ka gaarsiiyaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku xigeenka, William Ruto iyo Weliba Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa isagana ka hadlay kulanka isagoo oo diiradda saaray muhiimadda xoojinta xiriirka labada dal iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.