Alshabab oo La Wareegey Deegaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan kadib Kolkii Ay Faarujiyeen Ciidamada Itoobiyaanka

0
162

shababWararka naga soo gaaraya Degaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen,kadib markii ay iskaga baxeen Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Howlglaka AMISOM.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya ay Faarujiyeen Fariisimihii ay ku lahaayeen Degaanka Buq-aqable,waxaana halkaa si buuxda Gacanta ugu dhigay Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa Todobaadkaan dhaxdiisa waxaa ay ka baxeen ilaa Saddex Goobood oo ay kamid yihiin Kuntuwaareey,Ceelsiliindi iyo Buq-aqable.

Si kastaba arintu ha ahaatee ciidamada amisom ayaan manaba u muuqan kuwa raba iney soo af jaraan dagaalka ay kula jiraan alshabab.