Xeer ilaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ka hadlay Dhulalka Dadka loo kala Xukumo ayaa sheegay in ay soo bateen Muranka ku aadan qaabka Maxkamadahu ay u kala Xukumaan Dhulalka la isku haysto.
Axmed Cali Daahir ayaa Tilmaamay in Maxkamadaha Dalka ka jira ay mid walba qaabkii ay doonto u fuliso Xukunka ku aadan Dhulka la isku haysto,iyadoo Ciidanka Booliskana uu ku eedeeyay in qaab ka baxsan Awoodooda ay Dadka Dhulka uga kiciyaan,kuwaas oo adeegsanaya Xukuno ay Maxkamadahu soo gaareen oo iskugu jira kuwo Sharci ah iyo Sharci daro.
Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa:
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada