Al-shabaab ayaa la wareegey dhawr deegaan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo shalay gellinkii dambe ay isaga baxeen ciidamadii AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee horay ugu sugnaa.
Deegaanada ay Al-shabaab la wareegtay ayaa waxay kala yihiin; Golweyn iyo Cambareey oo labaduba ka Tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Dadka ku nool Degmadaas ay sheegeen in markii ay ciidamadu baxeen ay soo gashay Al-shabaab.
Sidoo kale, deegaanka Golweyn ayaa u dhexeeya Buulo-mareer iyo Shalaanbood, halka deegaanka Cambareey uu u dhexeeyo Degmada Baraawe iyo Deegaanka Buulo-mareer.
Ciidamadii AMISOM iyo kuwii dowladda Somalia ee isaga baxay deegaannadaan ayaan la ogeyn halka ay aadeen, iyadoo aysan weli ka bixitaanka ay Ciidamadan ka baxeen deegaannadan aysan weli hadlin Dowladda Somalia iyo AMISOM.