Madaxweynaha dowlada federlaka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana uu ku tagay Safar dhanka Cirka ah,kadid markii uu raacay Diyaarad ah Nuuca Qumaatiga u kaca.
Amaanka Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo la dhigay wadada Ciidamo aad u badan.
Gudoomiye kuxigeenka dhanka dhaqaalaha ee gobolka shabeelaha hoose Cabdi Fataax Cabduule oo ka hadley ayaa sheegey in safarkaasi looga hadli doono dhinaca amaanka iyo dhibaatooyinka ka taagan degmada.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada