
Maamulkii hore ee Gobolka Gedo ee u hogaaminayo Maxamed Cabdi kaliil ayaa weli waxaa uu ku adkeysanayaa inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo,waxaana guul daro ku soo idlaadey dadaalo la doonayey in uu kaga tanaasulo shaagashada Gudoomiye nimada,xubnaha hormuudka u ahaa dadaaladaasi waxay rajo xumo ka muujiyeen kulamadii lala qaatey Kaliil.
Aden Muude Bashiir(Jugeyste) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DF ee degmada Garbahaarey oo u waramayey Wadajir ayaa sheegay in Kaliil ay u aqoon san yahiin Maamulka Gobolka Gedo,isagoona sheegay inayan marnaba aqbali doonin dalab kaga yimid Saraakiisha Ciidamada Ethopia ee ku sugan Garbahaarey iyo Mas,uuliyiinka ka socota Jubaland oo ahaa in Kaliil iyoimaan cadow in ay ka tanaasulaan sheegashada Maamulka.
Degmada Garbahaarey ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku sugnaa wafdi uu hogaaminayey Cabdulaahi Sh.Ismaaciil Farataag oo ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Xubno kale oo isugu jira xildhibaano iyo siyaasiyiin,kuwaasi oo dhamaantood ku kala aragti duwan qaabka siyaasadeed ee loo wajahayo Maamulka cusub ee uu yeelanayo Gobolka Gedo.