Daawo sawirada Wasiirka Maaliyada Maxamed Adan farkeeto oo Ka Qeeyb Galey Shirkii Sanadlaha ahaa ee Bangiga Aduunka

0
150

farketiWafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibrahim “Farkeeti” ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay magaalada Lima ee wadanka Peru ay uga soo qeyb galeeen shirkii sanadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagta ee Caalamka (IMF).

Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise, khubaro iyo howlwadeeno ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe. Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dhaqaalaha adduunka, sidii loo yareeyn lahaa saboolnimada iyo hagaajinta siyaasadaha dhaqaale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay shirar gaar-gaar ah la qaateen madaxda sare ee Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta ee Caalamiga (IMF), Marayknaka, Sweden, UK, Denmark iyo Bangiga Horumarinta Islaamka.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu kulan la yeeshay wafdi Mareykan ah oo ay hogaaminayso Mrs Marso Lago oo ka tirsan Waaxda Lacagta. Wuxuu Wasiirku warbixin ka siiyey xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee wadanku marayo.

Sidoo kale Mrs Marso ayaa dhankeeda soo dhoweysay guulaha ay dowladda Soomaaliya ku talaabsatay, waxayna xaqiijisay in Mareykanku sii kordhin doono caawinaada ay siiyaan Soomaaliya, dib u eegisna ku sameyn doonaan qaabka ugu haboon ee dowladda loo caawin lahaa.

Wafdiga ayaa dhanka kale la kulmeen Wasiirka Horumarinta wadanka Boqortooyada Ingiriiska waxayna ka wada hadleen horumarka Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhanka hogaajinta maamulka maaliyadda waxayna xaqiijiyeen in Soomaali tusaale u tahay wadamada kale eek a soo kabsanayo dagaalada sokeeye.

farketi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

farketi1