Odiyaal iyo Nabadoono ka soo jeedo deegaanka gandershe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo AMISOM ee ku sugan Gobolkaasi ay dileen Nabadoon iyo dad shacabka ah oo ku sugnaa Deegaanka Gendershe ee Gobolkaasi.
Waxay sidoo kale sheegeen in qaar ka mid ah Dhalinyarada Deegaanka ay xireen Ciidamada AMISOM ilaa hadana ay u xeran yihiin.
Odiyaal iyo Nabadoono ayaa Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay iney wax ka qabtaan Arrimahaasi.
Dhanka shaqsi sheegey in uu yahay afhayeenka maamulka gobolka shabeelaha hoose Maxamed Xuseen Shiino ayaa isna xaqiijiye in ay jirto dhacdadaasi isla markaana ay kala hadleen amisom baaritaankeedana lagu jiro.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Odayaasha deganka gandershe mobil