Dhegeyso:- Shariifka oo ku Guuldareystey inuu Hor Istaago Dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

5
54

sharif xasanKadib kolkii mudo 3 mar ah la i claamiyey dhismaha maamul goboleedka koonfur galbeed ha yeeshee ay waxba kasoo naasa cadaan waayeen ayaa ugu dambeyn maalinimadii shaley madaxweyne xasan sheekh waxaa uu amr ku siiyey shariif xasan in uu hagar daamada ka daayo odayaasha dhaqanka kana hor leexdo joojiyana caqabadaha uu ku hayo baarlamaan uu yeesho koonfur galbeed.

Shariif xasan oo ka jawaabaayey hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegey in aanuu isaga aheyn ruuxa hor taagan dhismaha baarlamaan uu yeesho koonfur galbeed.

Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa:-

Shariif xasan

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Shariif xasan mobil

Hadalkan kasoo yeerey shariif xasan ayaa waxaa uu yaab iyo fajacba ku noqdey guud ahaan umada somaaliyeed gaar ahaan reer koonfur galbeed oo intaba xogogaal u ahaa in uu shariifka isbaaro u dhigtey dhismaha baarlamaanka koonfur galbeed.

Dadka xogogaalka u ah arimaha siyaasada koonfur galbeed ayaa hadalka shariif ku micneeyey in uu u ogolaadey baarlamaan hatan u dhismo koonfur galbeed culeysyo kaga yimid guud ahaan dowladaha daneeya arimaha somaliya, urur goboleedka igad, deeq bixiyeyaasha, dowlada federalka iyo waxgaradka koonfur galbeed.

Si kastoo loo dhigaba ayaa hadalka shariif waxaa uu u muuqdaa laba daran mid dooro taasi oo shariif haatan hor taal in uu ku guul dareysto in uu dhiso baarlamaan sidaasina uu xilkiisa ku waayo, Amaba in uu dhiso baarlamaan sidaasi si la mid ahna ay kalsoonida kala laabtaan.

5 COMMENTS

  1. saadaashaadii waa saaadaal lamid ah kaluun bada ku jra aan wali la soo qabaan karsaday hadaba dadka wax quman u sheeg baarlamaanka haduu yimaado in uu dawlada horey ka rido ma soo galeyso dadka ha jaha wareerinina baarlamaankaa iyo dawlada hada jirta way wadshaqeyn doonaan waa la hubaa taasi ku seexda shacka reer koofu galbeed

  2. Saadaashan saadaal ka fiican weli ma arkin kuwaan yaa usoo warama ileyn waaba wuxuu shariifka dib isugu dhigaayey sababtoo ah ma jirto maamul goboleed aan doorasho ku celin masuulkooda ku meel gaarka ah madaxweynahana wexey afartiisa sano dhabta u bilaabineysaa kolkey baarlamaanka ansixiyaan marka ilaahey haka dhigo baarlamaankii xaqa garta dadkoodana u hiiliya maxamed barirow adna imaanka alaha ku geliyo xawaajigan la tumaayo mid ka fiican weli maba arkin ee u ducee in baarlamaan xaq ah uu ilaahey keeno oo shariifka maxkamad saara

  3. Dhibka haaysta sharif waxaa waaye aamin kuma qabo 95 xildhibaan sideey noqon doonaan. Waxaa kale uu diidan yahay mar haduu barlamaan imaado waala xisaabtamayaa taasna ma ogola ninkaan ileen madaxwayne, madaxwayne ku xigeen, barlaam kuli waa asaga.

  4. Shariifka wuxuu rabaa Xubna Baarlamaan oo ay aqlabiyadooda asaga raacsan yihiin ,si barito marka loo codaynayo Madaxweynaha uu u soo baxo. Waxa dib u dhaca keenayana waa odayaasha dhaqanka oo soo gudbiyey xubno mucaarad ku ah shariifka.waxaan habboon in odayaasha daqanka ay xor u noqdaan gudashada xilkooda.Mahadsanidiin.

  5. madey walaalkeyow anga hadaan isla tashan kawaran oo aan iska so horjeesanin waayo adiga waxa aad rabtaa in wax la saxo anigana sidoo kale hadaba dadkeena waa in wax fiican oo iimaanka gelinaayo aan u sheegno sabatoo ah waa laga fiican yahay arin aan la gaarin oo ilaahey shaqo ku leh in aan saadaalino oo hadana aan ku saadaalino niyad jab shacab keena aniga waxa aan ka soo horjeedo waa taas oo aan idnku mucaaribaayo sabatoo ah qof weliba wuxuu raab in wax uu hagaago hadaba shariifka hada asga ka gadmayo waxa socodo oo dhan marka aan saxno oo dawlada fiican aan dhisano dadkeenana wax fiican qalbiga u roon aan u sheegno kadib doorashada qofki markaasi wakhtiga la joogo u aqlmo hala doorto laakiin hada shariif wax dhaamo gabar kasta gedinkaro ma haayno madey walaakey aan heshiino oo aan noqono dadwax isla fahamssan oo cidooda wax fiican laraadinaayo

Comments are closed.