Wasiirka Maaliyada Somalia oo Saxiixay Heshiis ay Imaaraadku ku bixinayaan Mushaarka Ciidanka Xooga Dalka.

0
73

farkeetiWasiirka maaliyada Somalia, Max’ed Aadan Farkeeti ayaa maanta Muqdisho ku saxiixay heshiis ay dowladda Imaaraadka carabtu ku bixinayso mushaaraadka ciidamada xoogga dalka, iyadoo Imaaraadkana uu u saxiixay heshiiskaan danjirahooda u fadhiya Somalia, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga oo dhankeeda u saxiixay Abaanduulaha ciidamada xoogga, Jen. Cali Baashe iyo shirkadda Gorgor Solution oo loo xil-saaray bixinta mushaaradka ciidamada dowladda xoogga.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka, ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ciidanka loo helo mushaar joogto ah oo la qaato xilli go’an, taasoo wax weyn ka badali karta dhibaatooyinkii mushaaradka oo inta badan soo daahi jiray, waxaana dadajinaynaa dib u habaynta ciidamada oo hadda si wanaagsan u socota.

Sidoo kale, danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa dhankiisa sheegay in xariirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid aad u xooggan, sidaas darteedna aan go’aan-sannay inaan dowladda ka caawino bixinta mushaaradka ciidamadda, taasoo qayb ka ah mashaariicda aan ugu talo-galnay inaan kor ugu qaadno tasiilaadka dowladdu u baahan tahay.

Wasiirka maaliyadda Somalia ayaa dhankiisa xusay in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka soo food-saaray ay sabab u noqotay inay daahaan mushaaraadka ciidamadda. Taasoo loo aanayn karo miisaaniyadda 2015-ka oo dib u dhac uu uga yimid qaybtii ay ku kabi jireen deeq-bixiyayaaha caalamka.