Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Federalka Maxamed Aadan Ibraahim [Fargeeti] oo Kulan Uga Furuy Muqdisho Wasiirada Maaliyada Maamul Goboleedyada

0
116

farketiWasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Fargeeti] ayaa maanta Muqdisho ka furay shirweyne ay ka qayb-galayaan wasiirrada maaliyadda maamul-goboleedyada dalka, kaasoo looga arrinsanayo sidii loo wada-shaqayn lahaa, la isuna dhaafsan lahaa xogaha ku aaddan arrimaha maaliyadda dalka.

Fageeti oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankan kii ka horreeyay uu ka dhacay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo shirkanna uu yahay mid is-xog-dhaafsi ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay inta uu socdo kulankaan in laga doodi doono qaabka ugu habboon ee loo wanaajin karo hanaanka maaliyadda dalka, iyadoona wasiirka maaliyadda Fargeeti uu tilmaamay inuu rajo-weyn ka qabo inay shirkan ay kasoo baxaan qodobo wax-ku-ool ah.

Ugu dambeyn, wasiirada maamul-goboleedyadda dalka ayaa dhamaantood soo dhaweeyay dhankooda shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka taraya sidii la isaga kaashan lahaa dajinta miisaaniyadaha, isku-xirka canshuuraha dalka.