Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo saraakiil ayaa ka qayb-galay maanta janaasada abaan-duulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] oo ka mid ahaa 15-kii ruux ee shalay lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Waxaa janaasada maydka Dhego-badan lagula tukaday Masjidka shuhaddaa ee ku yaalla gudaha xarunta madaxtooyada Somalia, waxaana madaxweynaha Somalia uu u tacsiyeeyay qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday abaanduulihii hore cidamada xoogga dalka.
Salaaddii Janaasada ahayd ee lagu tukaday maanta taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir.
Meydka Jen. Dhego-badan ayaa loo duuliyay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud oo uu kasoo jeedo si loogu aaso, waxaa maydkiisa lagu qaaday diyaarad gaar ah oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ka duushay.