Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” ayaa maanta Muqdisho ku soo xiray shir balaaran oo mudo sadex maalmood ah u socday Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiiradda Maamul Goboleedyada dalka, waxaan shirka laga soo saaray war murtiyeed ka koobaan sagaal qodobo wax ku ool ah oo ku aadan dhinaca maamulka maaliyadda Dalka.
Wasiirka oo ka hadlayay xiritaankii shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howsha wacan ee ay sida wada jirka ah u qabteen gudigii Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasiiradda ka socday maamul goboleedyada.
Wasiirka Maaliyada XFS Maxamed Aadan Ibraahim ayaa tilmaamay in shirkaan uu ahaa mid isku soo dhaweeyay Dowladda iyo Maamulada Dalka kajira, isagoona ku boorriyay dhinacyada shirka inay iska xilsaaraan dhaqan galinta qodobadii shirka ka soo baxay.
Ugu danbayntii, shirk ayaa waxaa laga soo saaray Sagaal qodob oo kala ah:
1. In Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Somaaliya ay Maamul Goboleedyada Gacan ka siiso sidii loo hormarinlahaa tayada Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda ee Maamulada dalka
2. In Dowladda Federaalka iyo Maamuladda ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad ah iyadoo ay hormuud ka noqoneyso Wasaaradda Maaliyadda DFS.
3. In lamideeyo canshuuraha iyo Tariifooyinka dalka, lana abuuro guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya arimahaan.
4. In labaahiyo maamul wanaagga, isla markaana sisiman loo gaarsiiyo dhamaan barnaamishka maareynta Maaliyadda Maamul Goboleedyada.
5. In la dhaqan galiyo adeegsisiga qaabab Maaliyadeed casri ah oo isku mid ah.
6. In kulankaan kiisa xiga ay go’aamiso Wasaaradda Maaliyadda DFS Halka uu ka dhacaya.
7. In si cadaalad ah loo qeybsado deeqaha laga helo deeq bixiyayaasha.
8. In la is waafajo shaqada iyo hanti-dhowrnimada.
9. In siyaasad loo dhanyahay laga yeesho lacagta shilin Soomaaliga ah oo sii dabar go’asa.