Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii cirka laga duqeeyay deegaanka Kuunyo-baroow oo 90-km Koonfur-galbeed kaga beegan degmada degmada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen illaa saddex gantaal oo culus, kuwaasoo ku dhacay duleedka deegaanka Kuunya-baroow oo dhinaca waddada Kismaayo aadda ah.
Sidoo kale, duqeyntan oo la sheegay in lala beegsaday xubno Al-shabaab ka mid ah ayaan si dhab ah loo ogeyn khasaarihii ka dhashay, welina lama sheegin dalka iska leh diyaaradaha duqeyntan geystay.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Hoose, Maxamed Xuseen Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntu jirto, lana beegsaday mid ka mid ah fariisimaha Al-shabaab ay ku lahayd deegaankaas.