Shaley ayey aheyd kolkii magalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala sixiixdeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen inay xal ka gaareen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda ku soo laabtaan, ayaa waxaa goor-dhow ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulladii horay ugu dagaallamay degmadaas.
Dagaalkan oo ah mid xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoo dadka qaar ee degan xaafadaha degmada Gaalkacyo ay lasoo darastay xaalad adag.
Arrintan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaaladii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.
RW Somalia, madaxweynayaasha maamul-goboleedyadii nabadeynta u tagay Gaalkacyo iyo mas’uuliyiintii kale ayaa weli ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu iminka ka socdo dagaalka.