Ergayga Cusub ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya oo Maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

0
79

amisomErgayga ururka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, isagoo bedeli doona wakiilkii hore ee Midowga Afrika, danjire Maman S. Sidikou.

“Waxaan xilka la wareegayaa iyadoo Soomaaliya ay soo martay xaalad siyaasadeed oo aad u adag iyo iyadoo la qorsheynayo in dalka laga qabto doorasho sannadka soo socda,” ayuu yiri danjire Madeira oo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay.

Sidoo kale, danjiraha cusub ee Midowga Afrika ayaa mar kale yiri. “Muhimadda koowaad waxaan siin doonnaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee dalka. Waxaana u mahad-celinayaa danjirihii iga horreeya oo howl adag halkan kasoo qabtay.”

Danjire Jose Madeira ayaa wuxuu leeyahay khibrad ah ka hortagga argagaxisada, isagoo ka soo shaqeeyay nabadda iyo dib u heshiisiinta Qaaradda Afrika. Waxaana Danjiraha Cusub la rajeynayaa inuu hoggaan u noqdo hawlgalka ay ka waddo AMISOM Somalia sannadaha soo socda.