Ciidamo ka tirsan Milatariga Dowlada Federalka Soomaliya ayaa Maanta Xirtay wadada ka timaada Degaanka Jaziira taaas oo Muqdisho soo gasha, kuwaas oo ka careysan Mushaar la’aan.
Waxaa ay Ciidanku Diideen in wax gaadiid ah aysan mari karin wadaaas iyaga oo sheegay in gabi ahaanba wax maraya wadada aysan jirin.
Mid kamida Darawada Baaabuurtooda ku xayiran tahay wadadaas ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Ciidamadaaas ay Baabuurta u diideen in Muqdisho soo galaan kana Baxaaan.
Talaabadan ay qaadeen ciidamadan ayaa waxaa ay timid ka dib kolkii maamulka shariif xasan uu ku guul dareystey in uu ciidamo dhigo barta koontaroolka ee kala qeybisa Banaadir iyo Shabeelaha hoose.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada