Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Maanta Markii Ugu Horeysey Usoo Talaabey Koonfurta Gaalkacyo

0
68

gaasMadaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horreysay u tallaabay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas kula kulmay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulkaas ka tirsan.

Kulanka oo qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee socda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ra’iisl wasaaraha dowladda Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke, madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe], wasiirro, xildhibaanno, iyo guddiga dhax-dhaxaadinta labada dhinac.

Labada madaxweyne iyo xubnaha kale ayaa kulan quraac ah ku wada-qaatay Hoteelka Five Star ee Koonfurta Gaalkacyo, halkaasoo la isku dhaafsaday khudbado u badnaa kaftan, dhinaca kalana la xiriiray adkeynta nabad-galyada magaalada Gaalkacyo iyo in labada maamul si niyad ah u her-galiyaan hishiiska la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegayin maanta la guda geli doono inta ka harsan ciidamada in la kala qaado, lana abuuro kalsooni, waxaana uu intaa ku daray in guddiyada labada dhinac ay bilaabayaan wada hadalada.