Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa ka dhawaajiyay inuu dadaal u geli doono sidii maxkamada caalamiga ah ee ICC ay xafiis uga furan lahayd Somalia, si loo helo la xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo dadka dambiyada dagaal ka gala Somalia.
Afeey oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in haddii hore loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhaca Somalia inaysan dhici laheyn in maalin walba shacabka la xasuuqo.
Sidoo kale, danjire Afey ayaa xusay inuu aaminsan yahay in haddii horay loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacay Somalia aanay sii socon laheyn dhibaatooyinka mararka qaar soo laabta
Danjire Afeey wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka uu u soo jeediyo wixii hada ka dambeeya in olole xoog leh loo galo in maxkamadda caalamiga ah inay xafiis ka sameysto Somalia, isla markaana baaritaan joogto ah u sameyso, marka ay dhacdo in shacab la xasuuqo, cidii lagu helana markaas maxkamad la soo taago.
Ergayga IGAD ee Soamila ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga bilaabo baari-taanka dagaalladii magaalada Gaalkacyo ka dhacay, marka shacabka magaalada deggen ay heshiiyaan
Waxaa la weydiiyay danjire Afeey heshiiskii Gaalkacyo iyo sida loo dhaqan-gelin karo, wuxuuna ku jawaabay in loo baahan yahay in dib u heshiisiin qoto-dheer laga dhex sameeyo shacabka, si aanay u soo noqon dhibaato kale.
sheekadiisa wahey u egtahay sheekadi fadhi ku dirirka kenyaanka dadka hasuuqaayo mow ka hadlo inta aan la gaarin gaalkacyo gaalkacyo 20 qof ayaa ku dhintey kenyaanka markey kismaayo rondo ku sameeynayaan 50 ayey dilaan maaa laga hadlo kenyaanka dadka iska laaynaayo markow gaalkacyo ka hadlaayo mise horta ninkan asaaba kenyaan ah miyaa ma arko ileene kenyaanka wahey sameynayaan wsc
Haa ” inay muhiim tahay in laga bilaabo baari-taanka dagaalladii magaalada Gaalkacyo ka dhacay”. kkkkkkkkk Qabyaaladeyste. Ku weli nool oo xasuuqey geysteen sawiradooda la hayo miyaad ilowdey.Waaba hadii la dhisee waxaan diyaar u nahay A upto – Z wixii nool oo shcabka dhiigooda cabeyoo xasuuqey in maxkamad la soo taago.
Comments are closed.