Afhayeenka Ciidamada Amisom oo Sheegey In Gaalkacyo Ciidamo Ka Tirsan Amisom La Geyn Doono

0
110

Paul_Njuguna_AMISOM_SPKRAfhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Paul Najaguna ayaa sheegay in Ciidamo AMISOM ahi ay geyn doonaan Magaalada Gaalkacyo hadii dalabkaasi uu ka yimaado Dowladda Soomaaliya.

Waxuu sheegay in Ciidamada AMISOM Soomaaliya ay u joogaan xaslinta iyo Nabad ku soo dabaalida Dalka isagoona qeexay in Ciidamadooda loo daabuli doono hadii Dowladda Soomaaliya ay codsato in Ciidamo AMISOM ah la geeyo Xarunta Gobolka Mudug.

Dhinaca kale, Afhaayeenka Ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la wareegi doonaan Magaalooyinka Jamaame iyo Jilib oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa howgallo kala duwan ay ka wadeen degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka soomaaliya gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.