Reysulwasaare Cumar cabdirashiid iyo Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada oo Ku Wajahan magalada Muqdisho

0
95

Reysulwasaraha dowlada federalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay la socdaan qaar ka m,id ah madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in safarka mas’uuliyiintan uu salka ku haya ka qayb-galka shirka madasha wada-tashiga Qaran oo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Shirarkan oo looga hadlayo hannaanka doorashooyinka ee sannadka 2016-ka ayaa hakad-galay, kaddib markii ay Gaalkacyo ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo RW iyo xubnaha kale ay aad ugu mashquuleen xal u raadinta colaaddan.

Kulankan wada-tashiga Qaran ayaa lagu wada inuu berri furmo, iyadoo ay ka qayb-geli donaan madaxweynaha Somalia iyo xubno ka socda Beesha Calaamka; waana qorshe lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorashp sannadka soo socda ee 2016-ka.