Mareykanka oo Sheegey Duqeymo Ay Ka Gesteen Somaliya Ay Ku Dileen Sarkaal Ka Tirsan Alshabab

0
84

droneDowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymo ay ka geysatay toddobaadkii hore Somalia ay ku dishay laba sarkaal oo ka mid ahaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Qaaradda Afrika.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, Cap. Jeff Davis ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysteen Somalia 02-dii bishan December ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan San-dheere iyo xubnood oo la socday.

Sidoo kale, Davis wuxuu xusay in dilka Sandheere oo sidoo kale loo yaqaannay Cukaash ay dhabar-jab weyn ku noqon doonto ururka AL-shabaab ee Somalia ka dagaallama.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeymo ka geysteen deegaan ku dhow Kuunyo-baroow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku sugan yihiin xoogagga Al-sbabaab.