Xog aynu kol dhaweyd ka helney ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magalada muqdisho ayaa waxaa ay inoo sheegeen in maanta la dhaarin doono qaar ka mid ah xildhibaanada uu yeelan doono maamulka Shariif Xasan oo in mud ah laga sugayey in uu dhaariyo.
Maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Shariif Xasan ayaa waxaa uu mudo sanad ah iska ahaa maamul qof keligiis iska maamusho taasoo ay beesha caalamka in mudo ahba ay ku dirqineysey Shariif Xasan in uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhameystiro maamulkiisa balse ma aysan dhicin .
Arintani ayaa keliftey in dhaqaalo badan oo ay beesha caalamka ugu tala gashey maamul goboleedyada in la siinyo uu waayo maamulka shariif maadaama uu ka badan waayey maamul ku kooban 3 ruux oo kala ah shariifka walaalkii iyo wiil uu adeer u ahaa.
Si kastaba arintu ha ahaatee talaabadan maanta laga yaabo in uu Shariifka qaado ayaa ah mid ay beesha caalamka iyo xukuumadaba ay in mudo ah ka sugeysey ayadoo qaadatey in ka badan sanad iyo hal bil in uu keeno qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaankiisa inta kalana dib laga dhaarin doono xiliga ay soo ururaan.