Ra’isul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa dalkiisa ku soo dhaweeyay diyaaradii ugu horeysay oo siday qaxooti u dhashay waddanka Siiriya, wuxuuna garoonka diyaaraha ee Pearson International ee magaaladda Toronto ku salaamay 163-qofood oo laga soo qaaday xeryaha qaxootiga ee dalka Lebanon.
“Ku soo dhawaada Canada” ayuu yiri RW cusub ee wadanka Canada Trudeau ku salaamay qoysaskii ee uu gacan qaaday.
“Waxay kasoo degeen diyaaradda; iyagoo qaxooti ah, laakiinse waxay garoonka ka baxeen iyagoo Canada ka heysta deggenaasho buuxda, kaarar caafimaad iyo fursad ay ku qaadan karaan dhalashada dalkeena,” ayuu RW Canada u sheegay kumanaan qofood uu iskugu soo baxay bannaanka hore ee Garoonka, kuwaasoo taageersanaa go’aanka iyo Siyaasadda RW Trudeaue ee keenista qaxootiga Syria.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Canada ayaa qoysaskii soo degay gacantiisa ugu qaybiyay dharka dhaxanta, maadama lagu jiro xilligii qaboobaha, waxaana Ra’isul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada socdaalka, caafimaadka, difaaca iyo weliga duqa magaalada Toronto John Tory uu sheegay in imaanshaha qaxootiga Syria uu yahay mid biloow ah.
Dowladda uu Hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Trudeau ee Xisbiga Liberal Party ayaa ballan-qaaday inay keeni doonto ugu yaraa 25,000 oo qaxooti u dhashay dalka Siiriya ka hor bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, waxaana dadkan intooda badan laga soo qaadi doonaa dalalka Turkey, Jordan iyo Lebanon.