Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska dowlada federalka somaliya Ing Salah Sheekh Osman waxaa uu ku dhashey tuulada Warmooleey ee ka tirsan degmada afgoye waxaana uu dhashey sanandka markuu ahaa 1960.
Ing Salah Sheekeh waxaa uu dugsigiisa sare kusoo dhameeyey degmada Marka ee gobolka shabeelha hoose sanadka markuu ahaa jully 7/1977, Isagoo kolkuu dhameeyey dugsiga sarena ku biirey shaqada qaranka sanadka markuu ahaa 1978.
Sanadka markuu ahaa 1979 ilaa iyo 1982 waxaa uu wax ka baranayey Kuliyada Beeraha ee degmada afgooye.
Sanadka markuu ahaa 1984 ayaa waxaa uu isku soo qorey kuliyada engineeria ee ku taala dalka talyaaniga magalada Torino halkaas oo uu shahaadadiisa bajalarka kasoo qaadey jaamacad ku taala magalada torino sanadka markuu ahaa 1990.
Ing Saalax ayaa waxaa uu usoo shaqeeyey mudo 6 sano ah (international labour office Torino oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO).
in ka badan -20 Sanno waxaa u shaqeynayey Company dhismo ah maadama ay waxbarashadiisu ahay dhinaca dhismaha.
In ka badan 30 sano oo uu usoo shaqeynayey international NGO waxaa uu wax badan ka qabtey baahida ka taagneyd inta badan koonfurta somalia gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose.
Ing Saalah Sheekh wax qabadkiisa dhinaca bulshada waxaa uu wax badan usoo qabtey deegaanka uu ku dhashey isagoo halkaasi ka qodey celal biyood, waxaana uu ka dhisey ilaa iyo 6 school kaasoo ay hada dhigtaan ilaa 2000 ardey isagoo isla marakaana u qorey mushaah 40 mucalin.
Hadii aynu u gudubno dhinaca siyasada ma aha markii ugu horeysey ee uu siyaasada ka mid noqdo ing Saalax waxaa uu xildhibaan 4 sano ka ahaa xukuumadii ku meel gaarka sanadka markuu ahaa 2000 ilaa i yo 2004 isagoo intaa wixii ka horeeyeyna ka shaqeyn jirey siyaasada guud ee koonfurta somaliya iyo isagoo markii ugu dambeysey isku sharaxey madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed ee 6da gobol.
Ing Saalah waxaa uu heystaa shahadada Master Degree CIVIL Engineering, Shahaado Macalinmo waxaana uu ku hadlaa 5 luqadood Italia, English,Arabic, Dutch,Somali=( Maay-Mahatiri).
Wasiir Ku Dayasho Mudan
[slideshow_deploy id=’23683′]