Daawo Beesha Mudulood oo ka Hortimid In Wax Lagu Qeybsado Nidaamka 4.5

0
50

geediKulan ay ka qeybgaleen inta badan Siyaasiinta, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha Mudulood ee magaalada Muqdisho ayay si weyn uga hor yimaadeen qorshaha ah in dib loogu laabto Nidaamka 4.5-ta, kaas oo dhib weyn ku ah Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.

Siyaasiintii ka qeybgashay shirkaas waxaa kamid ah Prof Cali Maxamed Geedi, Ra’iisulwasaarihii dawladdii KMG ah ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo XIldhibaan Salaad Cali Jeele oo kamid ah baarlamaanka Faderaalka, waxa ayna sheegeen in aan marnaba la aqbali karin in dib loogu laabto nidaamkii horey wax loogu soo dhisayey.