Wararka ka imanaya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.
Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inay ciidamadani la wareegaan garoonka.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo horay u joogay garoonka ay ciidamadani ka eryeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in garoonka uu ka mid yahay goobo loo asteeyay inay saldhigyo ka dhigtaan ciidamada ee ku sugan magaaladaas.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu magaalada Dhuuso-mareeb ka furmo wadahadallo ay yeelanayaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo lagu xallinayo khilaafyo labada dhinac u dhexeeyay.