Maanta ayaa mar kale la filayaa in la isugu yimaado shirka madasha wadatashiga doorashooyinka dalka, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay socdeen kulamo gaar-gaar ah, waxaana jira muran adag oo ku s aabsan nooca doorasho ee ka dhici doonta dalka sannadka soo socda.
Weli waxaa jira kala aragti-duwanaashihii qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka, iyadoo la filayo in kulanka maanta hal dhinac la isku raaco, lana soo saaro war-muriyeed loo dhan yahay.
Sidoo kale, wararka ku dhow-dhow madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in la filayo in maanta ay shirka kasoo baxaan heshiisyo lagu mideysan yahay, taasoo ah nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ayaa la sheegay in kooxiba ay qabto fikir gaar ah, kuwaasoo kala ah; 4.5 in wax lagu soo doorto iyo in hab deegaan wax lagu soo doorto.