Maamullada Degmada Ceelbarde , iyo tuulooyinka Yeed iyo Aato ayaa sheegay in ay dhisaayaan maamul ka madaxbanaan Koofur galbeed iyo gobolka Bakool kadib markii Maamulka koofur Galbeed uu ku tixgelin waayay doorka ay ku leeyihiin maamulka Koofur Galbeed sida aya hadalka u dhigeen.
Xildhibaan Cabdi ladiif Aadan Sanyare oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Wareysina siiyay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay halkaasi ka dhisayaan maamul hoostaga Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya,kana madaxbanaan Koofur Galbeed soomaaliya.
Hadalkan kasoo yeeraya xildhibaanka ayaad moodaa in dabacsanaanta maamulka shariif xasan iyo odey dhaqameedyada ay horseed ka yihiin in ay ku hamiyaan beesha ogaadeen iney degmada ceel barde iyo labada tuulo sheegaan in ay u sameynayaan maamul u gaar ah, Balse su’aasha la is weydinayaa ah tuulooyinka Yeed iyo Aato goormey degmo noqdeen yaase ka dhigey.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Xildhibaan Cabdi ladiif Aadan Mobil