Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa waxaa lagu magacaabay gudoomiye uu yeesho gobolka Hiiraan kadib kolkii xil ka qaadis uu ku sameeyay gudoomiyihii hore ee gobolka hiiraan sidoo kale ayaa madaxweyne Xasan sheegay in caasimada Hiiraan Shabeelaha dhexe noqon doonto degmada BuulaBurde ee gobolka Hiiraan halka uu shirka maamul u samayntuna uu ka dhici doono magaalada jowhar isla markaana mudo 90 maalmood gudahooda uu maamulka tagi doono caasimadiisa magaalada BuulaBurde amaba Buulaay qofba siduu u yaqaano.
XEER MADAXWEYNE LR. 87 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN
MADAXWAYNAHA J.F.S
MarkuuArkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.
MarkuuArkay : SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kunasaabsansharcigamaamullada
DegmooyinkaiyoGoballadadalka
MarkuuTixgaliyey : Soo jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee
December 19, 2015 kunasaabsanxilkaqaadisGuddoomiyahaGobalkaHiiraaniyo Soo
jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee
December 19, 2015 kunasaabsanmagacaabisGuddoomiyahaGobalkaHiiraan
MarkuuGarwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada
oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay
mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
Qodobka 2aad
Waxa uu Xeerkaan u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud