Axmed Madoobe oo Baarlamaankiisa ku diiday in markale waqti loogu daro xilliga uu soo magacaabayo Xukuumada.

0
137

xaaIyadoo dhowaanahan la filayey in Axmed Madoobe uu ku dhawaaqo Madaxweyne ku xigeenka iyo Gole wasiiro uu yeesho maamulkiisa ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu Axmed Madoobe uu damacsan yahay in mar kale muddo 3 bilood ah la siiyo si uu u soo magacaabo Xubnaha Cusub ee looga fadhiyo magacaabistood.
Xubno ka mid ah Baarlamaanka Axmed Madoobe oo ka gaabsadey magacyadooda ayaa warbaahinta u sheegay in dalabka dib u dhigista soo magacaabida Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha wasiirada ee ka imaanaya Axmed Madoobe in Xildhibaanadu aysan aqbali doonin,islamarkaana ay uga fadhiyaan Axmed Madoobe in uu soo dhameystiro liiska magacaabista ah ee laga sugayo taasoo haddii ayan dhicin caqabad ku noqon doonta Maamulka Axmed Madoobe,iyadoo horeyna ay u jireen khilaafyo iyo caqabado siyaasadeed oo lagu haystey maamulkiisa,hadana ay soo ifbaxayso khilaafyo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Baarlamaankiisa.

Arimahan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli maalmahii ugu dambeeyey dadka ku dhaqan Gobolada Gedo iyo Labada Juba ay il gaar ah ku eegayeen xilliga la soo dhisi doono Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha wasiirada Cusub,waana markii 3 aad oo uu Codsado Axmed Madoobe in dib loo dhigo soo magacaabista Madaxweyne ku xigeenada iyo Xukuumada.