Degmada Baardheere oo ay ka dhacdey Munaasabado Lagu Weyneynayo Dhalashada Nabigeena Muxummad (NNKH)(Daawo Sawwiro)

0
80
bar1Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa maanta waxaa ka dhacay Xaflad balaaran oo lagu weyneynayo dhalashadii Nabigeenii Muxamed NNKH,iyadoo kumanaan dadweyne ah oo ay ka muuqato Qiiro ayaa waxay isugu soo baxeen Wadooyinka Magaalada ,kuwaasi oo markii dambe isugu soo urururay Shiirkolaha magaalada.
Maalmihii dambe maamulka degmada iyo culimada ayaa wadeen  wacyi-gelin ku saabsan bulshada oo ay ka wacyi galinayeen in la qabto xuska Xabiibkeenna Muxummad NNKH oo muddo ka badan 8 sanno aanan xaflad noocani oo kale ah aanan lagu qabanin degmada Baardheere.
Mas,uuliyiintii iyo Culamadii ka hadashey Munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah G/ku xigeenka Gobolka Gedo,Cadow Nuur Siraad oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,Sheekh Cabdiraxmaan Al-Ansaari oo ah madaxa Ahlu sunna ee Gobolka Gedo iyo Xubno kale.
Amaanka magaalada Baardheere ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana la xirey dhamaan goobahii ganacsiga iyo waxbarashada,isu soo baxan iyo xuskani ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee ka dhaca degmada Baardheere muddo ka badan ilaa 8 sanno.
bar1
bar3 (1)
bar5 (1)
bar6