Xog La Heley:-Shariif Xasan oo Tilmaamey Shaqsigii u Noqon Lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

0
72

sakiinWarar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarey magalada beydhabo ayaa waxaa ay ku waramayaan in Shariif Xasan Sheekh aadan uu soo xushey shaqsigii gudoomiye uga noqon lahaa baarlamaanka koonfur galbeed.

Wararkan ay daafeed.com heleyso ayaa sidoo kale waxaa ay ku waramayaan in xildhibaanada beelaha digil iyo mirifle uu shariifka ku amrey in ay shaqsigaas doortaan.

Shaqsigan oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa haatan ka mid ah baarlamaanka koonfur galbeed waxaana uu kasoo jeedaa beesha Tuni waxaana dhalan taliyihii hore ee ciidanka boliska somaliyeed Shariif Sheekhuna.

Xildhibaan C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa ah qurbo joog ku cusub siyaasada isla markaana aan weligiis ka shaqeyn kuna shaqeyn xafiis ama xil siyaasadeed.

Talaabadan uu Shaiif Xasan ku doonayo in uu xilka afhayeenka baarlamaanka koonfur galbeed ugu magacaabo C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa la sheegayaa in uu ku doortey khibrad la,aanta siyaasadeed ee uu qabo xildhibaanka sidoo kale ayaa waxaa aad loo rumeysan yahay in doorashada shariifka ee shaqsigan ay tahay mid shariifka uu doonayo in xilka baarlamaankana uu gacanbtiisa ku jiro