Ergayga QM ee Sooamaliya, Michael Keating oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa soo Gunaanaday Kulamadii uu la lahaa Siyaasiyiinta, Golaha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah, madaxda iyo weliba xildhibaanada baarlamaanka Puntland, iyadoo kulammadaasi aysan kasoo bixin wax natiijo ah.
Madaxweyanaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Wafdigii uu Hoggaaminayay ergayga QM ee Somalia sii Sagootiyay, isagoo sheegay in Beesha Caalamka uu u sheegay Mowqifka doorashooyinka la filayo inay Sanadkaan 2016-ka dalka ka dhacaan.
Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa xusay inaysan jirin wax heshiis oo la gaaray, balse ay isku af-garteen Beesha Caalamka inay dib isugu laabtan, madaxda Puntland iyo shacabkooda si ay arrintan uga wada-hadlaan.
Danjire Michael Keating ayaa isagana dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Puntland si weyn loogu soo dhaweeyay, ayna dhageysteen aragtida ay ka qabaan nooca doorasho ee la isla qaatay, wuxuuna intaas ku daray in wadatashi kaddib dib la isku soo laaban-doono.