Xarakada Al-shabaab ayaa qirtay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeeyeen saldhig ay ku leeyihiin bartamaha Somalia, balse waxay sheegeen in tirada Mareykanka uu sheegay inay ku dileen ee 150-ka Xubnood ah ay tahay mid la buun-buuniyay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka ayaa shalay shaacisay inay duqeyn ay ka geystay Sabtidii xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahayd bartamaha Somalia ay ku dileen 150 dagaalyahan.
Sidoo kale, Afhayeenku ma uusan sheegin tirada duqeyntan looga dilay. Iyadoo la sheegay in duqeyntan ay ka qayb-qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa kale, iyagoo duqeynta la sheegay in lala beegsaday Xero lagu magacaabo Raaso.
Mareykanka ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ee ay duqeyntaan ku dileen uu Tababarkoodu ahaa mid Gabo-gabo ah ayna ahaayeen kuwo khatar ku ahaa AMISOM iyo Maryekanka.
Waa markii ugu horreysay oo Mareykanku ay sheegaan in tiro intaas le’eg oo ka tirsan Al-shabaab ay sheegaan inay duqeyn ku dlieen, tan iyo markii ay ka billaabeen duqeymaha ay ku beegsanayaan Al-shabaab gudaha Soomaaliya.