Ciidammo Ajnabi ah oo watay laba diyaaradood oo ah kuwa Qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka ayaa xalay weeraray saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay in weerarkaas uu kaga dhintay mid ka mid ah Xoogaggooda.
Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab ayaa sheegay in Weerarka ay soo qaadeen ciidammo kumaandoos ah oo aanu sheegin Dalka ay u dhasheen. isagoo ku daray in Weerarkaas lagu qaaday Aw-dheegle oo 50-km u jirta Muqdisho.
Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaan ay qayb ka qaateen Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda FS, inkastoo aanay Al-shabaab sheegin inay qayb ka ahaayeen howlgalkan ciidammo Soomaali ah.
Ma jiraan wax khasaare ah oo gaaray Ciidamadii Weerarkaan qaaday, iyadoo Weerarkan la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow, ayna ciidamadii weerarka qaaday halkaas dib uga laabteen, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen.