Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Waraaqada Aqoonsiga Ka Gudoomey Safiirka Dalka Australia U Fariisan Doono Somaliya

0
79

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga gudoomay warqadihii aqoonsiga danjiraha cusub xukuumadda Australia ee Somalia, wakiilkana uga noqon doona Somalia, Mr John Feakes.

Xasan Sheekh ayaa wakiilka Australia uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad-dhisida, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli waddanka ka jira.

Wuxuu madaxweynuhu uga mahad-celiyay Australia taageerada ay u fidiso Somalia, gaar ahaan dhacdadii dhawaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci-darro ah loogu soo wadey Soomaaliya.

Dhanka kale, safiirka Australia, John Feakes ayaa madaxweynaha iyo xukuuandda Somalia ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsaday dhinacyada amniga, siyaasada, hir-gelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo Beesha Caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Somalia ay ku shaqeyso.