Aqriso Xeerka uu Maanta Ku Dhawaaqey Madaxweynaha Dowlada Federaalka

0
45

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka ku dhawaaqay inuu Xeer Madaxweyne ku xeeriyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee horyaalay Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha ayaa xeerka uu soo saare waxaa ku qorneyd laba qodob oo kala ah.

Qodobka 1aad

1- In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.

2- In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Qodobka 2aad

1- In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

2- Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.